Malmö oo laga furayo xarrun lugu soo dhaweeyo gabdhaha “horey loo soo guday”

0

Magaallo Malmö oo xarrunta seddexaad ee dalkaan Iswiidhan, ayaa laga furayaa xarrun la sheegay in lugu soo dhaweeyn doono dumarka “horeey loo soo guday” Maamulka xagga caafimaadka u qaabilsan gobolkaasi ayaa toddobbaadkii ina dhaafay dabayaaqadiisi go’aan ku gaaray.

Xildhibbaanka lugu magacaabo Gilbert Tribo oo ah mudane  ka tirsan golaha maamulka  Skåne, oo soo xiganaya warbixin ay soo saartay hey’adda arrimaha bulshadda eeSocialstyrelsen sheegay in aannu maamulku heeynin tirro sax  ah oo tilmaameeysa haweenka loo geeystay gudniinka ee ku nool goboladda Koonfureed hey’adda Socialstyrelsen.

“Sideey warbixintu sheegeeyso waa mid aad uga badan tirada sidaan fileeynay, waxaa jira tobanaan kun oo gabdho ah kuwaas oo ku nool dalka” syuuu yiri isagoo tilmaamay sida aan loo heli karin tiro sax oo lugu sheegayo cadadka haweenka la guday. Balse farta ku fiiqay in kal kaaliyeyaasha caafimaad ee iskuuladda oo la kulma gabadhan gudan eeysan muuqan meel kale oo xogta ama tiradda u gudbin karaan. Wuxuu xusay in ay waajib ku tahay waa sida uu hadalka u dhigay in dumarkaasi dhibanayasha ah ay helaan caawinaad sahleeysa sideey bulshada soo dhex gali lahaayeen maadama uu yiri “waxeey qabaan daqarro culus”, taasina uu tilmaamay mid ay fulinteeda ka saaran tahay waajib.

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay xildhibaanku in xarruntan lugu qaabilayo gabdhaha la guday filayo in albaabada loo furro sanadka soo socda ee 2018-ka haddii Eebbe idmo.

Somaliska.com/SR

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here