Gabdhaha dhalinyaradda oo qaarkood dhibaato ka heeysato maandooriyaha

0

Ciidanka ammaanka u qaabilsan dalkaan Iswiidhan ee booliska, ayaa ka digaya kor u kaca ku imanaya gabdhaha dhalinyarta ee adeegsadda maandooriyaha. Boolisku waxaa ay sheegeen in gabdhahani ay maandooriyaha dartiis ku soo dhacaan banaan cidlaha ah una go’doomaan maandooriyaha kuwaas oo u dhinta ka hor intaaneey da’doodu gaarin 25 jir.

Booliska ayaa aaminsan in qaar ka mid ahi gabdhahaasi dhalinta yari ayba yihiin hooyooyin carruuro dhalay misna aan heeysan hooy iyo meel ay ku noolaadaan.
“Kuwa dhibka uu soo gaaro waa kuwo aad u badan” ayey tiri Annika Ljung,oo ah madax kooxeedka qeybta booliska qaabilsan ka hortaga maandooriyaha ee caasimadda Stockholm..

“Waxaanu isku daynay ka hore siddii aan  gabdhahaan noloshooda u dhex gali laheyn si ay y helaan si aan daryeel,  Waxaase muuqata inaan ku guul dareeysanay. Mana ahan booliska oo keliya waa mid quseeya dhamaan dhinacyada ku heereeysan gabdhahaan oo idil” ayey tiri markale Anika oo farta ku fiiqeeysa sida ay bulshadda u noqotay mid gabtay kaalintii kaga aaadaneyd bad baadinta dhalinyaradda ku dhacay maandooriyaha.

Gabadhahan ayaa ah kuwo isticmaalka maandooriyaha ku bilaaba xilliga ay yar yar yihiin (dhoocilnimada), halkaana ka sii amba qaada sanado tan iyo inta dareemaan, booliska, eheladooda iyo iskuulka, saas oo ay tahayna waxeey xaalkoodu noqdaan kuwo ku dhex dhacay oo qabatimay maandooriyaal culus.

Anika waxaa ay xustay oo kale in gabdhahani ay qaarkood leeyihiin carruuro ay dhaleen, ehelo  iyo walaalo, tiradoodana ay sii kor dheeyso. Mana ahan oo keliya gabdhaha xitaa ay ku jiraan wiilaal dhalinyaro ah oo sidaas si la mid ah maandooriyaha noloshooda u wax yeeleeyey. Arrinta Anika argagaxa ku riday ayaa ah markii ay aragtay gabar yar oo u goo go’day maandooriyaha loo yaqaan harowiinka ay laheyd uur. Waxeey ku tilmaantay mid laga qalbi xumaado.

Ugu dambeyntiina Anika waxaa ay xustay in booliska oo keliya aannu arrintan wax ka qaban karin ee  ay tahay in iskaashi dhex maro iskuuladda, ehelada iyo hey’adaha dowladda.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here