Ajaanibta oo taageero u haya xisbiga xagjirka ah ee SD [tiro koob lugu ogaaday sidaas]

0

Xisbiga caanka  afkaartiisy fog tahay ee SD, ayaa tirro koob la qaaday lugu ogaaday in xisbigaasi taageero badan ay u hayaan ajaanibta gaar ahaan dumarka.

Hey’adda SCB, ayaa tiro koob ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in 10.3% (toban boqolkiiba dhibic sadex) dadka taageerada u haya xisbigaasi ay yihiin dumarka ajaanibta ah. Xisbigan oo doorashaddii dhacday 2104-ka heeystay cod dhan 1.6% halka uu maanta ka heeysto 10.3%. Xisbigan ayaa sidoo kale isla sanadkaasi 2014-ta waxaa uu heeystay taageerao dhan 2.,5% , halka uu maantana ka heeysto 15.4%.

Xisbigan ayaa waxaa uu noqday xisbiga seddexaad ee ugu weyn xisbiyda siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana la runsan yahay in badi ajaanibta ay u codeeyeen. Isku soo duuboo  xisbiga haatan talada haya ee  Socialdemokrat-ka, ayaa heeysta taageero ah 42,7% . Halka Moderat-kuna ku jiro kaalinta labaad isagoo xisbigaasi heeysta 17,1%  iyo xisbiga xagjirka oo isagana la shaaciyey inuu yahay xisbiga seddexaad ee ugu weyn dalka oo muddo afar sanno ah ku noqoday.

Somaliska.com – Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here