Xeryaha magangalyo doonka dagan yihiin oo inta badan si joogto ah dab loo qabad siiyo

0

Xeryaha ay degan yihiin dadka magangalyo doonka ah ee loo yaqaano asylboande ayaa inta badan waxaa ay noqdaan kuwo si joogto ah dab loo qabad siiyo ama lala eegto waxyeeleyn ka dhan ah.

Hadaba dhacdadii ugu dambeeysay ee ka dhan ah xerro ay degan yihiin magangalyo doon ayaa habeenimadii khamiistu soo galeesay dab la qabad siiyey. Xerradan oo lugu magacaabo Butaplats oo dhacda magaaladda Växsjö ee dalkaan Iswiidha, ayaa waxaa kay deegaan kmg ah u aheyd qaxooti gaarayey labbo boqol oo ruux. Ma jirto cid wax ku noqonatay balse, booliska waxaa ay sheegeen in weerarkani ahaa mid ku tala gal. Qaxootiga ku nool xeeradaasi  Butapalats, ayaa loo raray xerro kale oo lugu magacaabo  Borgmästaren oo qudheeda magaaladda ku taala.

Falalkan soo laa laabtay ayaa walaac ku abuuray magangalyo doonka oo weli sugayana in codsigooda magangalyo la aqbalo, saas oo ay tahayna waxaaa u dheer walac kale oo la xirriira in la diido codsiyadooda dalkana laga dhoofiyo.
Waxaa kale oo jira xeryo ku yaala koonfurka dalka Iswiidhan oo qaarkood iyagana dab la qabad siiyey, xeryahaas ayaa waxaa ka mid ah Målila iyo Österlen.

Somaliska.com-Göteborrg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here