Noorweey haweeneey soomaali ah ayaa iska soo tuurtay dabaq ku yaala xaafadda Grønland

0

Xaafadda Grønland oo ah xaafad ay soomaalida iyo ajaanibta kale aad u degto ee magaaladda Oslo ee dalka Nooweey,ayaa waxaa dabaq dheer oo ku yaala iska soo tuurtay haweeneey soomaali ah. Haweeneydan oo dhaawac culus soo gaaray ayaa haatan lugu dabiibayaa cisbitalka weeyn ee Oslo.

Haweeneydan oo ah hooyo heeysato carruur ayaan la ogeyn sababaha ku kalifay ineey dabaqa iska soo tuurto. Shabakadda Somaliska oo caawa fiidkii la xirriirtay soomaalida degan xaafadaas ayaa noo sheegay in haweeneydan ay horey dhaawac jirkeeda u soo gaareen, balse aan la ogeyn sababaha hadda keenay ineey dabaqa iska soo tuurto. Dadka qaar ayaa sheegaya ineey u eg tahay qof xanuunsan.

 

Warbixin intaas ka badan saacadaha soo socda ayaa haddii Alla idmo idiin soo gudbin doonaa.

 

 

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here