Kun qof oo muhaajiriin ah oo laga soo bad baadiyey xeebaha dalka Talyaaniga

0

Muhaajirin tiradooda kor u dhaafeeyso kun qof ayaa  laga soo bad baadiyey xeebaha dalkaasi Talyaaniga jimcihii shalay ee ina dhaaftay. Ilaaladda xeebaha Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in hal qof  oo ka mid ah muhaajiriintaasi uu ku dhintay badda.

Mujaajiriintan oo la rusan yahay ineey ka soo baxeen dalka Liibiya ayaa watay lix doomood ugu dambeyntiina ay ilaaladu u suuragashay ineey bad baadiyaadin dadkii doonta saarna. Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegatay in sanadkii 2016-ka ay dalkaasi gaareen qaxooti kor u dhaafay 180.000, Qaramadda Midoobeyna waxaa ay sheegtay in 5000 ay ku dhinteen badda metereeniyan-ka. Muhaajrintan shalay la soo bad baadiyey ayaan la ogeyn ineey soomaali ku jiraan iyo in kale.

Somaliska /wakaaladaha
Göteborg

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here