Intisaar Maxamuud: “Gabadhii hanka fog laheyd misna ku waalneyd kubada cagta”

2

“Magaceyga waa Intisaar Maxamuud, waxaan ku soo bar baaray Sacuudi Careebiya waalidkeygana waxaa ay ka yimaadeen Soomaaliya. Muddo sadex sanno ah ayaan daganahay dalkan Iswiidhan, mustabalka waxaan doonayaa inaan noqdo dhaqtarad qaliinka sameeysa oo taqasuska leh”.

 Waxaa sidaa hadalkeeda ku biloowday gabadha lugu magcaabo Intisaar Maxamuud oo ah gabar ku soo bar baartay Sacuudi Careebiya haatana ku sugan dalka Iswiidhan. Gabadhan oo ah gabar hami iyo yool fog leh ayaa u warantay idaacada raadiyo Iswiidhan gaar ahana barnaamijka loogu magac darray “Iswiidhanta cusub” Waxeey iyadoo barnaamijkaan kaga warameeysa yoolkeeda ay sheegtay ineey dooneeyso ineey ka sal gaarto qaar ka mid ah yoolakeedaasi oo haatanba ay u gogol xaarideedii ku jirto.

Mar ay ka hadleeysay sida ay u rumeeyn karto mid ka mid riyooyinkeedaas ayey sheegtay in dadku ku yiraahdaan waa “howl dheer ee sideed uga bixi doontaa.?” Iyadoo taasi ka warameeysa ayey tiri “Waan isku kalsoonahay, waxaana igu heereysan (Ku taageera fikirkeeda) dad aniga aaminsan” Inkastoo intisaar dooneeyso ineey noqoto dhaqtarad hadana waxaa ay sidoo kale dooneeysa ineey noqoto ciyaaryahan kubada cagta si wanaagsan u ciyaarta.

Haatan waxeey tabaro la qaadataa koox kubada cagta oo gabdhaha ah kana tirsan degmada Eskilstuna ee duleedka magaaladda Stockholm. Waxaa ay ku soo kortay dalka Sacuudiga oo ah dal dhinac kasta ay aad u xadidan yihiin dhaq dhaqaaqyada dumarka, in laga helo koox gabdho ah oo ciyaara kubada noocyadeeda kale duwani waa calaacasha oo timo ka soo baxa. Muddo dhowr bilood ah ayey  kooxda ay Intisaar la ciyaaryo  ku bada ahaayeen koox tan iyo carruurnimadooda soo ciyaarayeen dhinac kastana ka dhisan yihiin tababar iyo qibrado u leeyihiin ciyaarta kubada cagta, waxaase dhici karta in Intisaar kala kulanto caqabado dhinaca taatikada iyo xooga la qabsasho la’aan ah. Balse arrinta xiisaha leh ayaa ah in hooyadeed ku dhiirageliso ciyaarta kubada cagta una sii iibisay kabihii iyo dharkii lugu ciyaarayey kubadda cagta, taasina waxaa ay kor u qaaday niyadeedii iyo kalsoonideedii qof ahaaneed.

Intisaar oo barnaamijka la wadaageeysay waayaheedii nololeed ee Sacuudiga ayaa tilmaantay in iska daa gabari ciyaarto ee xitaa loo diido daawadashada kubada cagta.”Dabcan gabdhaha looma ogola haddii gabadhuhu ciyaaraan kubadda talow wiilashuna maxeey ciyaari ayaa la yiraahdaa meeshaas” ayey tiri Intisaar oo sida waadix u muujineysa in riyo noocas ah oo gabdhaha u furan aaneey jirin Sacuudiga.  Sanad dugsiyeedka soo socda ayaa lugu wadaa ineey ay bilowdo dugsi sare bilowdo oo ay dhigato culuumta seyniska.

Haddii ay Sacuudiga joogi laheyd waxaa iyadoo aan dhameeysan iskuulka noqon laheyd gabar la guursaday oo guri joogta ah. ” Waan ka xumahay inaan sidaas iraahdo, hadaan baaqi ku sii ahaan lahaa halkaas nin ayaa la igu dari lahaa oo aan guri joogto noqon lahaa inkastoo aan mar uu nin guursan lahaa, mana jiri laheyn ra’yi aan leeyahay oo socon lahaa, runtii hadaan ka hadlano haweenka dalkaasi xaquuq ay leeyihiin ma jirto iyo fikir ay cabiiri karaan” ayey tiri Intisaar oo dhinacyo kala duwan ka soo qabaneeysa noloshada dalkaas carbeed ee Sacuudi Careebiya.

Ugu dambeyntii in kastoo Intisaar ka mid tahay gabdho  faro ku tiris ah oo soomaaliyeed oo doonaya ineey hankooda ka sal gaaraan ayaa hadana waxaa ammaan mudan sida ay u tahay qof dhiiran oo aan saxaafada iyo u waramisteeda ka gaban bal waxaaba la oran karaa waxeey mudan tahay ku dayasho. Iyadoo ay jiraan gabdho badan oo soomaaliyeed oo xiiseeya ciyaarta kubada cagta ayaaneey jirin hadana waalid ku dhiirageliya oo ku taageera sababo la xirriira dhaqanka iyo diinta oo ah kuwo la aaminsan yahay ineey yihiin caqabadaha ugu horeeya ee hortaagan.

 

W/T: Somaliska- Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here