Wiil soomaali ah oo ku dhintay weerarkii lugu qaaday iskuul ku yaalay dalka Noorweey

2

Weerar lugu qaaday iskuul ku yaala magaaladda Kristiansand ee koonfurta dalka Noorweey ayaa waxaa  ku dhintay macalimad iyo arday soomaali ah, kuwaas oo u dhintay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii mindida ee lugu dilay.

Marxuumk soomaaliyeed oo afar iyo toban jir da’diisu aheyd ayaa la yiraahdo Yacquub Cabdullaahi. Dembiilihii falkaasi geeystay ayaan ilaa hadda cid soo qabata jirin ama aan la aqoon heeybtiisa. Booliska gobolkaas ayaa haatan ka codsanaya bulshada ineey gacan ka siiyaan siddii ay u soo qaban lahaayeen ama ay loo gudbin lahaa xog ku saabsan.

Falkan ayaa imanaya maalmo ka hor markii magaaladda Stockholm ee caasimadda Iswiidhin uu habeenimadii sabtida soo galeeysay kooxo hubeeysani ku dileen labbo wiil oo soomaali ah kuwaas oo fadhiyey maqaaxi laga cabo kafeega. Falalka sida kala duwan loola beegsado soomaalida ayaa mudooyinkan badan ku soo badanayey meello ka mid ah dalalka waqooyiga Yurub gaar ahaan dalkaan Iswiidhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here