Dadyow badan oo amaanka cabsi looga qabo oo jira hadana aan la dhoofin karin

0

Shaqsiyaadka ay laanta socdaalka u aragto ineey halis ku yihiin ammaanka dalka ayaa loo gudbiyey hey’adda amaanka u qaabilsa ee Säpo, saas oo ay tahayna hey’adu waxaa ay ka gaabsatay ineey sheegto cadada ay la eg tahay.

Laanta socdaalka iyo hey’adda ammaanka u qaabilsa dalka ee Säpo ayaa wada ka dhaxeeya wada shaqeyn la xirriira ka warqabka shaqsiyaadka loo arko ineey halis gelinayaan amaanka dalka. Sanadkan oo keliya ayaa laanta socdalka waxaa ay gudbisay 761 kiis, waana tiradii ugu badneyd  marka la bar bar dhigo sanadkii 2015-ka oo markaas kiisaskii la gudbiyey ahaayeen 46, halka sanadkii isna ka sii horeeyey ee 2014 la gudbiyey 109 kiis.

Kiisaskan ayaa salka ku haya magangalyo doon dhawaan dalkaan iska dhiibay iyo kuwo kale oo sharci dalkaan u soo doontay. Tiradan ayaa sdoo kae loo aaneynayaa ineey salka ku heeyso qaxootiga tirada badan ee dhawaan dalka ku soo jabay.

Oskar Ekblad, oo ah madaxda laanta socdaalka waaxdeeda dar dar gelinta gaarka ah ayaa sheegay in jiraan asbaabo kale oo dadyoowgan loo fiirinayo, wuxuu qeexay in badan oo iyaga ka mid ah ineey ka yimaadeen dalal ay dagaalo aafeeyeen sida Ciraaq iyo Suuriya oo ah dalal ay ka dhacaan falal dambiyeed iyo kooxo la marin habaabiyo .Oskar Ekblad, ayaa sidoo kale sheegay in qiimeeynta laanta socdaalka sameeysay uu yahay mid aan damaano qaadi karin in in badan oo iyaga ka mid ah eeysan ku aheyn amaanka halis.  Ciidanka ammaanka ee Säpo ayuu sheegay ineey yihiin hey’ad awood leh oo si kale wax u qiimeeysa, dhanacoodana uu ka dhaxeeyo iskaashi iyo wada shaqeyn.

Laanta socdaalka ayaa farta ugu fiiqeeysa cid kasta marka laga hadlo cadadka ay dhan yihiin shaqsiyaadka looga baqayo ineey ammaanka dhaawacaan, hase ahaate hey’adda ayaa iyadu ka gaabsaneeysa ineey tilmaanto. Shaqsiyaadka ayaa weli qaar ka mid ah ku sugan dalka halka ayba aheyd in mar hore laga musaafiriyo Iswiidhan.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii isniintii uu dalka Jarmalka nin Tuunisiyaan ah oo lugu magacaabo Anis Amri uu dad ku laayey xilli ay dadkaasi ku gudo jireen dukaameeysi iyo u diyaar garowga ciida masiixiga. Ninkan ayaa maanta oo jimco  ah waxaa lgu dilay dalka Talyaani ka dib markii ay tacshiirad isweydaarsadeen ciidanka booliska magaaladda Torino.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here