Wasiiradda socdaalka ee Noorweey oo walaac ka muujisay dusiyada quraanka ee dibadaha loo aado

5

Wasiiradda socdaalka ee dalka Noorweey haweeneyda lugu magacaabo Sylvi Listhaug, ayaa walaac ka muujisay carruuraha dalka dibadiisa loogu dirro barashada quraanka.

Wasiiradda oo wareysi siisay muuq-baahiyaha dalkaasi ee NRK, ayaa sheegtay in carruuraha muslimiinta ee meel ka baxsan Noorweey loogu diro dugsiyada quraanka ay u keeneyso dhaawac xagga suuqa shada ah  iyo fursado waxbarasho oo ka luma.

Wasiiradan ayaa sidoo kale sheegtay in carruuraha ay ku wanagasan tahay in Noorweey ay dugsiyada sare ka baxaan si beey tiri ay diyaar ugu noqdaan suuqa shada, balse quraan loo aado dalka dibadiisa eeysan ku soo kordhineyn astaamo wanaagsan. Waxeey sheegtay ineeysan ka warqabin dowrka ay iskuuladda quraanka dibadda loo aado ku yeelaan karaan xag-jirnimada. Dowladduna ay u diyaarisay barnaamij ku saabsan xagjirnimada.

Mar wax laga weeydiiyey farqiga u dhaxeeya iskuuladda diinta masiixiga laga barto iyo kuwa muslimiinta ayey ku jawaabtay “In muhiimdu tahay in carruuruhu leeyihiin astaamo wanaagsan oo u fudeeynaya suuqa shaqada iyadoon aan la eegeyn diimaha ay heestaan”

Hadalka wasiiradda ayaa yimid ka dib markii uu kal hore muuq-baahiyaha dalkaas ee NRK ka diyaariyey baraamij ku saabsan masaajid ay leeyihiin koox turki, oo la sheegay in gabdho yar yar oo waalidood u direen dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga iyo Biljim si ay quraanka iyo diinta Islaamka u soo barteen. Mas’uuliyiinta masaajidka ayaa ku dooday in carruurahaasi waalidkii dhalay raali ugu yaqiin, iyaguna gacan ka geeysteen arrintaasi.

Noorweey ayaa in muddo ah waxaa ay il gaar ah ku heesay dhaq dhaqaaqyada masaajidada ay leeyihiin muslimiinta,oo laga aaminsan  yahay ineey tahay goob maskaxda looga dhaqo dhalinyarada ee ku lug yeesha falalka argagaxiso ee aanu aheyn goobo lugu cibaadeeysto.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here