Iswiidhan iyo Afgaanistaan heshiish kala galay si loo celiyo qaxootiga reer Afgaan

5

Dowlada Iswiidhan ayaa dhawaan waxaa ay heshiis la gashay dalka Afgaanistaan, heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in dib loo celiyo muwaadiniinta reer Afgaanistaan ee dalkaan looga diiday sharciyadda.

Heshiish-kan ayaa sidoo kale waxaa uu yahay heshiis hordhac u ah qaxooti badan oo dalkaan dib looga celinayo, kuwaas cosigoodii magangalyo la diiday. Wasiirka cadaaladda Morgan Johansson oo la hadlayey idaacadda wararka u faafisay Iswiidhan ee Ekot, ayaa heshiish-kaasi  uu ku tilmaamay mid wax gal u dowladiisa.

Sarkaal ka socda wasaaradda cadaaladda ayaa dhawaan socdaal u kuuragalid ah waxaa ku tagay Afgaanistaan, halkaas oo xukuumadda Kabul kala xaajooday siddii dalkooda dib loogu soo celin lahaa qaxootiga reer Afgaanistaan ee sharciyadda loogu diiday Iswiidhan. Laanta socdaalkana waxaa ay qorsheeyneeysa in qaxooti gaaraya 7oo (tododdo boqol )oo reer Afgaanistaan ay dhawaan bilowdo dib u celintooda.

Maalintii arbacadda ee toddobadkii hore, ayaa magaaladda Burugseel ee dalka Beljim waxaa qalinka lugu duugay heshiish dib loogu celinayo qaxootiga reer Afgaanistaan. Afghanistan ayaa sidoo kale balan qaatay in ay qaabileyso muwaadiniinteeda la soo celinayo. Ugu dambeyntiina dalkaan Iswiidhan waxaa ku sugan qaxooti gaaraya 36 000 oo Afgaaniyiin ah, ku waas oo y sugaya in dowladda siiso magangalyo iyo daganaansho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here