Iskuul ku yaala Denmark oo ardeyda u kala qebiyey Deenis iyo ajaanib

0

Dugsi sare oo ku yaala dalka Denmark, ayaa waxaa maamulkiisa amray in ardeyda dhigata loo kala sooco kuwa daanish-ka dhaladka ah iyo kuwa ajaanibta ah.

Iskuulkan oo lugu magacaabo Langkaer ayaa wuxuu ku yaala gobolka Ã…rhus ee dalkaasi. Dugsigan ayaa ku dhaqaaqay talaabo ah in loo kala qeybiyo sadex fasal oo ardeyda dhigataa ay leeyihiin magacyadooda dambe ( magagaca waalidka) Jensen iyo Hansen, halka ardeyda kale aan heeysan magacyada daanish-ka meel la iskugu leexiyo, si ay noqdaan 50-50 oo siman.

Maamulaha iskuulkaas oo lugu magacaabo Yago Bundgaard, oo u waramayey wargeyska lugu magacaabo Jyllandsposten, ayaa sheegay in talaabadaasi aheyd fikiradii ugu yara liidatay ee uu sameeyo.

Dugsiga sare ee Langkaer ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii,  ardeyddii dhiganeeysay waxaa ay ahaayeen  ee  20% ajaanib halka ay maanta ka yihiin 80%. Wuxuu sheegay in haddii la doonayo cadaalad la helo, la sameeyo talaabo ceynkaas ah si loo yareeyo iskuulada xorta ah. Urrurada u ololeeya ka hor taga midab kala sooca, ayaa talaabada iskuulka u arko midab takoor qaawan oo lugu kala soocayo deenish-ka, kuwooda midabyada kala duwan leh iyo ajaanibta.

Nanna Krusaa, oo ah qareen ka tirsan machadka xaquuqda aadanaha, ayaa tilmaantay in kala sooc lugu sameeyo ardey iskuul ay qiimeynteedu muujineyso mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Talaabada uu ku dhaqaaqay maamulka dugsigaasi, ayaa waxaa ay abuurtay guux dhinacyo badan leh. Ninka lugu magacaabo Niels Egelund oo ah barafasoor wax ka dhiga jaamacadda Ã…rhus, wuxuu dhinaciisa sheegay in talaabo ceynkaas ah ku dhaqaaqi lahaa haddii uu isagu ahaan lahaan maamule. Inkastoo sida uu ku doodayo hadalkiisa u muuqan karo mid laga dheehan karo cunsurinimo, hadana wuxuu farta ku fiiqay in ardeyda deenish-ka eeysan iskuuladoodu ka noqon kuwa laga tirada badan yahay.

Wasiiradda waxbarashada dalkaasi, Ellen Trane Nörby ayaa ku baaqday in maamulaha la yimaado sharaxaad lugu qanci karo ee aan aheyn kala sooco midab iyo jinsiyado ardey iskuul wada dhigta, si aan xaaladu u noqon kor iyo hoos. Waxaa kaloo ay sheegtay in ay quruxsanaan laheyd in la adeegsado hab wax barasho  iyo tarbiyadeed.

Denmark waxaa ay ka mid tahay dalalka sida weyn looga dhex arko cadaadiska xagga cunsurinimada leh ee lugula kaco ajaanibta.

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar
ikraam_calikaar@hotmail.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here