Bulgaariya oo mamnuucday xirashadda Niqaabka

0

Dalka Yurubta bari ku yaala ee Bulgaariya, ayaa maanta baarlamaankiisu waxaa uu ansixiyey in dalkaasi laga mamnuuco xirashaddaNiqaabka ama indho shareerka ee haweenka muslimiinta ah xirtaan.

Sharcigan cusub oo dhawaan dhaqan geli doona ayaa sheegaya in gabadhii jebisa ay mudan doontaa ganaax gaaraya 100 dollar, loo kordhin doona haddii amarkaasi fulin weeyso.

Muslimiinta dalkaasi gaar ahaan dumarka ayaa madaxa saaran jiray qimaar yar oo ay madaxyadda ku dabooshaan, hase ahaatee waxaa soo baxay mudooyinkii ugu dambeeyey dumar lugu eedeyey ineey la yimaado talaabooyin adag ah ineey ku dhiiradaan xirashadda Niqaabka.

Xisbiga lugu magacaabo MDL oo ah xisbi ay leeyihiin turkida laga tiro badan yahay ee dalkaasi Bulgaariya ayaa ku eedeynaya xisbiyada kale ineey abuurayaan naceyb diimeed. Dalka Bulgaariya ayaa 13% cadadka dadkiisa waxaa ay yihiin muslimiin u badan turki. Dalal ay ka mid yihiin Faransiiska, Biljim iyo Iswiisasarlaand ayaa mamnuucay xirashadda indho shareerka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here