Moderat-ka cusub oo doonaya in dhaqaalaha laga joojiyo urruradda aan ka shaqeyneyn “isdhexgalka”

1
Mahdi Maxamuud, madaxa urrurka Ddhaqanka geeska Afrika (Afrikas Horn Kulturcenter). Sawirka: Radio Sweden

Xisbiga Moderat-ka cusub ee gobolka Örebro ee dalkaan Iswiidhan ayaa doonaya in in dhaqaalaha taageeradda ah, laga joojiyo urrradda uu xisbiga u arko ineeysan ku howlaneyn ka shaqeyneynta xagga “is dhex galka” Gaar ahaa xaafadaha Vivalla oo ah xaafad ay ajaanibta ku badan tahay.

Arrintan ayaa waxaa durba gaashaanka u darruuray urruka lugu magacaabo Afrikas Horn Kulturcenter oo ka mid ah urruradda laga yaabbo ineey saameeyso talaabadda xisbiga Moderat-ka cusub dhaqaalaha gobolku bixinaya la siin. Mahdi Maxamuud oo urrurkaas ka tirsan, ayaa qaba in Moderat-ka cusubi la socon dhaqa- dhaqaaqa urrurkooda iyo howlaha uu qabto.

“Qofka sidaan u hadlay, waa mid aan noo iman talaabana noo qaadin si ay u ula socdaan waxaan qabano” ayii yiri Mahdi Maxamuud oo hadalka xisbiga Moderat-ka cusub u arko carqaladeyn ka dhan ah jaaliyadaha ku howlan is dhexgalka.

Xisbiga Moderat-ka cusub ayaa ku doodaya in urruradda xaafada Vivalla eeysan ka shaqeyneyn is dhexgalka, wuxuuna xisba gobolka ku baaqaya in ha hello urruro ka shaqeeya xarrun udub dhaxaad u ah dhaqanka iswiidhish-ka.

Ugu dambeyntiina Mahdi waxaa uu sheegay in urrurkoodu qeyb ka  yahay is dhexgalka, iyagoo qabta howlo ay ka mid yihiin, simaanaaro, shaqabo abuuris, casharo ka caawin iyo safaro waxbarasho. Wuxuu sheegay oo kale in xaafadda Vivalla lugu kala tegi lahaa hadaan urruro badan oo urrurkiisa ku jira aaney ka shaqeyneyn is dhexgalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here