Xabiibo waa gabar soomaaliyeed oo dooneysa in booliska Finland iyo soomaalidu wada shaqeeyso

0
Xabiiba Cali, waa gabar soomaali ah, oo si mutadwacnimo leh ula shaqeeysa booliska Finland si labada dhinac isku fahmaan u dhex maro. Sawirka:Kalevi Rytkölä / Yle

Booliska magaaladda Helsinsiki ee dalka Finland, ayaa in muddo ahiba wuxuu ku howlanaa la shaqeynta ajaanibta dalkaasi ku nool, si aaneey u dhicin waxa loo yaqaano isku dhac dhaqan.

Hadaba Xabbibo Cali oo ah gabar soomaaliyeed oo ku nool magaaladda Helsinsiki, waxaa ay geesteeda si mutawacnimo ah ula shaqeysaa booliska magaaladaasi, si ay gacan uga geeysato is fahan dhex mara soomaalida iyo ciidamadda ammaanka ee booliska. Xabiibo Cali oo u warameeysay warsidaha Yle ee dalkaasi ka soo baxa ayaa sheegtay ineey ku faraxsan tahay sida boolisku u doonayo ineey wax badan ka ogaadaan soomaalida iyagoo ka qeyb qaata barnaamijyada iyo kulamadda ay sameeyeen soomaalida Helsinki.

“Marka uu jiro tartanka ciyaaraha kubadda cagta, boolisku waa ay nagala soo qeyb galaan, iyagoo abaal marin siiya kooxda markaasi badiso, waana muhiim in kulamada noocas ah lala kulmi karro, mana ahan in had iyo goor markii la arki boolis laga cabsado” ayey tiri Xabiibo oo muujineysa sida ay u muhiim u tahay is fahan iyo isu soo dhawaansho dhex mara ciidammada ammanka iyo soomaalida. Xabiibo waxeey sidoo kale gacan  sii xarumaha soo galootiga haddii halkaasi marka ay booliska tagaan laga dareemo guux lugu diidan yahay joogitaankooda.
“Haddii dagaal dhexmaro labbo qaxootiga ah, lama hadlaan booliska, maxaa yeelay kuma qabaan  kalsooni, waxaanse markaa isku dayaa inaan la fariisto, kana munaaqishoono haddii ay suuragal tahay in lala xirriiri karo booliska” ayey Xabiibti tiri oo tilmaameeysay sida mutadawacnimadda leh ee ay xarrumaha soo galootiga u heelan tahay.

Ugu dambeyntiina  Xabiibo waxaa ay sheegtay iney ka shaqeeyneyso siddii is fahan dhex mara soomaalida booliska ay u tahay muhiim si meesha uga baxdo fahan darrada laga heeyso soomaalida dalkaasi gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Helsinki.

 

W/Q: Ikraam Cali-kaar
Göteborg- Sweden

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here