“Sweden waxaan u maleeyay wadan amaan ah”

7

Habeenkii Axada waxaa  magaalada Göteborg qarax lagu dilay wiil Soomaali ah oo 8 sano jir ah ka dib markii qolkii uu jiifay lagu tuuray bambaanada gacanta. Wiilka yar oo lagu magacaabo Yuusuf ayaa booqasho ku joogay Göteborg isagoo ka yimid magaalada Birmingham ee Ingiriiska.

Wargeyska Expressen oo wareystay aabaha wiilka ayuu u sheegay in uusan dhacdadaan ka filayn Sweden.

“Waxaan u maleynay Sweden in ay tahay wadanka ugu amaanka badan aduunka, wadan wanaagsan.” ayuu yiri Abdiwahid Warsame oo telefoonka kula hadlay wargeyska isaga oo wali ku sugan Birmingham.

Dhacdadaan foosha xun ayaa argagax ku abuurtay dadka reer Göteborg, iyadoo ay nasiib ahayd in ay ka badbaadeen qoyska intiisa kale. Qolka uu jiifay wiilka yar ayaa waxaa sidoo kale jiifay hooyadiis iyo walaalihis balse Yuusuf oo keliya ayay bambaanada dishay.

“Somalia dadku way ku dhintaan qaraxyo balse tan kama filayn Sweden.” ayuu hadalkiisa ku daray Abdiwahid Warsame.

Booliska ayaan ilaa haddi soo qaban cidii ka dambeysay qaraxa, iyagoo warbaahinta u sheegay in aysan wali aqoonsan cid la tuhmayo. Magaalada Göteborg ayaa sanadihii dambe waxaa ku soo batay dagaal u dhexeeya kooxo gaangiistaro ah, oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here