Soomaali khaniisiin isaga dhiibtay Sweden oo sharciga loo diiday

8
SHARE
Iyadoo Sweden ay adkaysay bixinta sharciyada deganaanshaha, isla markaana ay qaasatan ku adkeeyeen Soomaalida oo loo arko dad wadankoodu xasilay, ayaa waxaa soo baxaya kiisas dad Soomaali ah oo qaniisnimo isku dhiibay si ay Sweden sharci ugu helaan.
Inta badan qaxootiga ayaa sheegta in ay wadamadooda dagaal uga soo carareen, balse waxaa jira qaxooti sheegta in wadamadooda ay uga soo tageen habka ay u galmoodaan.

Nin Soomaali ah oo magaciisa qariyay ayaa Iswiidhan yimid 2012:kii. Wuxuu yahay khaaniis Soomaaliya ka soo qaxay si u nabad ugu noolaado Sweden, balse ayuu diidmo ka helay Laanta socdaalka. Wuxuu hadda sugaya in waddanka laga saaro oo Somalia lagu celiyo.

Ninkaan ayaa markii uu isdhiibay aan sheegin in uu khaniis yahay balse markii sharciga loo diiday ayuu sheegay in uu khaniis yahay taasoo u muuqata mid uu ku doonayo in uu sharci ku helo

“Weey igu adkayd in aan soo hor fadhiisto turjubaan soomaali ah oo aan afka ka idhaahdo waxaan ahay nin soomaaliyeed oo khaanis a” ayuu sheegay.

Dhanka kale ayuu dhaleecaynaya sida ay laanta socdaalku u xallisay kiiskiisa. Tusaalahan ayaa marku maxkamada sare ee socdaalka soo fadhistay la weeydiyaay suaalo sharci darro ah, sidee ayey khaniisiintu u galmoodaan, walidkaagu mey ogyihiin in aad tahay khaniis, khaniisintu soomaaliya iyaga oo gacanta is hayya wadadda may mari karaan?

In sharci doonka la weeydiiyo suaalo qooto dheer oo sharafta shakhsiga dilaya ayaa manmuuc ah. Sidaas ayey ku qoraantay sharciga u yaala heeyada socdaalka.

Sofia Sjöö ayaa ku shuqul leh arrimaha la xidhiidha sharci doonka wadamadooda uga soo qaxay habka ay u galmoodaan, waxaa af iswiidhishka lugu yidhaahdo HBTQ personer.

Idaacada Sweden oo  Sofia ka wareeysatay istraatajiyada ay heeyada socdaalku u hayaan dadkan ayey sheegtay in ay jirto qorshe ku saabsan habka loo qaabilayo dadkan, hasayeeshe in ay waxbarashadii ay ugu talo galeen dadka heeyadan ka hawlgala si ay u kordhiyaan aqoonta la xidhiidha dadka isku jinsiga ah ee nolosha wadaaga iyo dadka jinsiga ay ku dhasheen u bedela ka kale, la habsaameen.

Waxbarashadan oo ay Iswiidhan la soo saartay wadamadda midoowga Yurub ee EU ayaan weli laga bilaabin heeyada socdaalka. Sababta ayaa ah, ayey sheegtay Sofia Sjöö, in ay sannadkii ugu dambeeyay qaxooti faro badan soo gaadhay Iswiidhan.

-Shaqadii kale ayaa nugu faro badatay, waana ka xunahay, ayey sheegtay Sofia Sjöö.

Stig Åke Pettersson, oo ah gacanyare ka tirsan urur lagu magacaabo RFSL oo u dooda xuquuqda sinnaanta galmada, ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaya heeyada socdaalka.

“Waxay ku xirantahay dadka baadhitaanka sameeynaya, in qofka sharci la siiyo ama loo dido, sideed sanno ayey heeyadu isku dayaysay in ay aqoonta la xidhiidha dadkan kordhiyaan, weli na isbedel kama arko, ” ayuu sheegay Stig Åke Pettersson.

 

 

 


SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here