Sharciyada cusub ee Sweden ka dhaqan galay maanta

6

Sidii caadada ahayd, maanta oo bishu tahay July 1 waxaa dhaqan-galay sharciyo cusub oo uu ansixiyay baarlamaanka Sweden. Inkastoo sharciyada cusub ee bishaan dhaqan galay ay aad u yaryihiin. Sharciyada cusub ayaa waxaa ka mid ah.

  1. In lacag la’aan laga dhigay baaritaanka cudurka kansarka naasaha gala. Sharcigaan ayaa ka dhaqan galaya guud ahaan wadanka.
  2. Waxaa sidoo kale la adkeeyay sharciga tuukada aqoonsiga, qofkii lagu qabto in uu isticmaalay aqoonsi qof kale leeyahay ayaa lagu xukumi doonaa ilaa xabsi gaaraya 2 sano.
  3. Sidoo aan dhowr jeer soo qornay, 20-ka bisha July waxaa dhaqan gali doona sharciga sida weyn lo cambaareeyay ee qaxootiga, kaasoo qaasatan joojinaya bixinta sharciga rasmiga ah, isla markaana aad u adkeynaya mideynta qoysaska.
  4. 1-da bisha ogoosto waxaa dhaqan galaya sharci kale, oo ku saabsan in qofkii ka guuraya gurigiisa uu heli doono canshuur celis qarashka ku baxaya geediga.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here