Masaajida Sweden oo isku qilaafay Ciida!

9

Masaajida Sweden ayaa si weyn isugu qilaafay dhalashada bisha Shawwal iyo ciida. Masaajidka weyn ee Stockholm iyo ururka Islaamka Sweden (Islamiska Förbundet) ayaa isbuucii hore shaaciyay in ay barito oo talaado ah ay ciid tahay, halka galabta ay Sacuudiga shaaciyeen in aysan ciid ahayn taasoo ay ku raaceen masaajid kale oo ku yaala Sweden.

Hadda ayaa waxaa socoto jahwareer ku saabsan in ay barito ciid tahay iyo in kale, iyadoo bishii aan laga arag wadamada Muslimiinta balse masaajida Stockholm iyo kuwo kale ay ku adkaysteen in ay barito ciid tahay.

Arintaan ayaa ka dhex abuurtay qilaaf xoogan Muslimiinta Sweden oo ciidihii hore si wada-jir ah u ciidi jiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here