Isku-dayga afgambiga Turkey iyo labo wajiile-nimada Swedishka

10

Sida aad la socotaan xalay saqdii dhexe waxaa wadanka Turkey ka bilowday iskuday afgambi oo ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee wadankaasi. Inkastoo uu fashilmay afgambiga isla markaana xabsiga la dhigay inta badan ciidamadii isku dayay, ayaa waxaa warbaahinta bulshada sida Facebook iyo Twitter laga dheehan karay dad badan oo Swedish ah oo taageersan afgambiga.

Dadkaas ayaa ku doodaya in madaxweyne Erdogan uu noqday mid xagjir ah oo kaligi taliye ah, isla markaana qaabka keliya ee awooda looga qaadi karo ay tahay afgambi. Dadkaan ayaa u muuqda kuwo labo wajiile-nimo ku socda oo markii ay rabaan ku doodaya muhiimada ay leedahay dimoqraadiyada, iyagoo si joogto ah u cambaareeya wadamada Afrika ee afgambiga uu ka dhaco balse markii ay timaado Turkey iyo dowlada sida xorta ah loo doortay ay yihiin kuwo waji kale la imaanaya.

Qaasatan arintaan ayaa salka ku haysa in kurdiyiinta ku nool Sweden, ay si weyn ugu guuleysteen in ay fikrado qaldan ka faafiyaan madaxweynaha Turkiga iyo dowladiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here