“In aan Muslim ahay darteed ayaa la ii garaacay”

4

Gabadha lagu magacaabo Jennifer waa gabadh Muslim uur leh oo ku nool magaalada Umeå ee waqooyiga Sweden, taasoo weerar foolxun lagu qaaday isbuucaan. Jennifer oo wiilkeeda kula ciyaaraysa xadiiqada maalintii talaadada ayaa waxaa weeraray labo nin oo dhalinyaro ah kuwaasoo dhabarka ka haraatiyay isla markaana ku yiri hadalo hanjabaad ah.

“Dhacdadaan darteed waxaan dareemayaa caafimaad xumo iyo cabsi joogto ah. Maadaama aan xijaab xiranahay waxaan hubaa in la ii weeraray Muslim ahaan. Waan wacay booliska balse cidma iima imaan” ayay SVT u sheegtay Jennifer.

Waxay booliska ugu baaqday in uu si xoog leh u baaro weerarada naceybka ku salaysan ee ka dhanka ah Muslimiinta. Iyadoo intaasi ku dartay in aysan dooneyn in ay guri maxbuus ahaato cabsi ay ka qabto weerar lagu qaado.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here