Haddii sharcigaan uu dhaqan-galo, Sweden dib ugu noqonmayso sidii hore

23

Iyadoo dhawaan uu baarlamaanka Sweden ansixiyay sharci si ku meel gaar ah adkaynaya qaabilaada qaxootiga. Sharciga cusub ayaa la sheegay in uu shaqeynayo muddo 3-sano ah, iyadoo ka dib ay Sweden dib ugu laabanayso gacan-furnaashihii hore. Balse hadda ayaa waxaa soo baxay mooshin cusub oo ay soo jeediyeen Midowga Yurub.

Mooshinkaan cusub oo uu soo jeediyay komishinka EU-da ayaa lagu doonayaa in lagu mideeyo guud ahaan nidaamka qaxootiga looga qaabilo wadamada xubnaha ka ah ururka, oo ay ku jidho Sweden. Dhamaan sharciyada deganaanshaha ee la siiyo qaxootiga ayaa noqon doona kuwo ku meel gaar ah oo 1 sano ah iyo dadka qaxootiga Geneva oo 3-sano la siin doono.

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa wargeyska SvD u sheegay in aysan hadda ka hadli karin mooshinka EU-da.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here