Daawo mid ka mid ah darawalada basaska oo garaacaya nin qaxooti ah

9

Dhacdadaan foosha xun ayaa ka dhacday magaalada Kalmar, iyadoo muuqaalka laga daawan karo darawalka baska oo si xun u garaacaya nin qaxooti ah. Darawalka ayaa sidoo kale erayo cunsuriyad ah ku dhahaya ninka qaxootiga ah oo ka soo jeeda Syria oo uu xitaa madaxa kursiga ugu dhuftay oo dhaawaca dartiis hosbitaal u galay.

Darawalka baska ayaa la sheegay in uu diiday in uu qaado ninka qaxootiga ah, kaasoo ka dibna sawir ka qaaday si uu u dacweeyo. Ninka reer Syria ayaa sheegay in darawalkaan uu dhowr jeer diiday in uu qaado qaxootiga.

Ka dib ayuu darawalka ka xanaaqay sawirka laga qaaday isagoo weerar ku qaaday ninkaan oo si xun u garaacay.

“Waligay gacan la’iima qaadin. Waxaan isdhahay Sweden waad ku amaan galaysaa oo marnaba ka filayn in darawal bas uu i garacaayo” ayuu ninkaan warbaahinta u sheegay.

Darawalka ayaa shaqada laga joojiyay ka dib dhacdada.

Halkaan ka daawo muuqaalka. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here