Video: “Gudniinka fircooniga ah caafimaadka ayuu u fiicanyahay”

6

“Gudniinka fircooniga ah caafimaadka ayuu u fiicanyahay” Ninka lagu magacaabo Hashi Abdi ayaa sidaa u sheegay telefishinka SVT, isagoo hadda bilaabay in uu dib uga noqdo hadalkiisii ka dib markii lagu qoslay oo uu ku fadeexoobay. Hashi ayaa markii bishii Febraayo la wareystay si kal-iyo-laab ah fikradiisa uga dhiibtay gudniinka firicooniga ah isagoo sheegay in uu caafimaadka u fiicanyahay.

Hadalkaas oo ah mid lala yaabo isla markaana ay ka muuqato aqoondaro ayaa durbadiiba waxaa Hashi dadku ku cambaareeyeen hadalada macno darada ah ee uu saxaafada la dhexyimid. Hadda ayuu markale telefishinka la hadlay isagoo sheegay in uusan hadalkaasi dhab ka ahayn balse uu doonayay oo keliya in uu Soomaalida ka dhex abuuro dood ku saabsan arintaan. Inkastoo ay fiicantahay in dood la abuuro ayay hadana iska cadahay in Hashi uusan markii hore ujeedkaas lahayn ee ay daacad ka ahayd in uu taageersanyahay gudniinka xanuunka badan ee gabdhaha Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo.

Runtii waxaan la aqbali karin in dadka Hashi Abdi oo kale ah in ay saxaafada ka soo dhex muuqdaan oo ay magaca Soomaalida ay ceebeeyaan iyaga oo la imaanaya fikrado qaabdaran oo loo qaadan karo in ay la wadaagaan ragga kale ee Soomaalida. Gabadha wareystay ee ka socotay SVT ayaa xitaa waydiisay in uu hadda hadalkiisa ka laabtay maadaama uu ku ceeboobay isagoo sheegay in uusan aaminsanayn hadalkiisii hore.

Fadlan haloo nasteexeeyo dadka nuucaan ah oo haloo sheego in ay saxaafada ka dheeraadaan, oo aysan ceebeyn magaca Soomaalida. Gudniinka firicooniga waa ka mamnuuc Sweden, waana mid ay waajibtahay in ragg iyo dumar ay ka soo wada horjeestaan oo laga suuliyo wadankeena. Daawo!

Sidee u aragtaan arintaan!!!

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here