Soomaalida oo ugu badan dadka doonaya in ay qaataan dhalasha Sweden

12

Tirada dadka doonaya in ay qaataan dhalasha Sweden ayaa cirka isku shareertay, iyadoo taasi sabab looga dhigay dhowr arimood oo ay ka midthay in sanadkii hore sharciga wax laga badalay oo caruurta loo fududeeyay qaadashada baasaboorka. Laanta Socdaalka ayaa shaacisay in sanadkaan ay filayaan 65 000 codsi oo dhalashada ah.

20 500 codsi oo ka mid ah kuwaasi ayaa ka imaanaya caruurta. Sababta ay u korortay qaadashada dhalashada Sweden ayaa lagu tilmaamay in ay ka dambayso sidoo kale in dad badan ay ka cabsi qabaan in xaaladu is-bedasho oo ay waqti hore soo dirayaan codsigooda. Tani ayaa keentay in uu dheeraado waqtiga go’aanka ay gaari karaan gacan-yarayaasha Migrationsverket.

Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee dalbaday dhalashada Sweden, kuwaasi oo ay soo raacaan Syria, Iraq iyo Afghanistan. Waqtigsa go’aanka lagu gaari karo ayay ku sheegeen in sida caadiga ah uu qaato 1 ilaa 5 bilood balse haddii loo baahanyahay in baaritaan lagu sameeyo qofka ay qaadan karto 15 ilaa 17 bilood.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here