7-daan talo raac si aad u sugto amaanka kombutarkaaga

2

Kombutarkaaga in aad viruska ka ilaaliso dantaada ayaa ku jirta ayadoo waqtigaan hada la joogo ay virusyada qaarkood naftaada qatar galin karaan ayagoo loo isticmaali karo in la xado warbixintaada ama akoonka bankigaaga. Balse qofkii raaca talooyinka aan hoos ku soo bandhigi doono wuu ka badbaadayaa in kombutarkiisa virus ku dhaco.

1. Isticmaal Antivirus markastana cusbooneysii

Barnaamijka Antivirus waa kan ugu muhiimsan ee aad ku sugi karto amaanka kombutarkaaga, haddii uusan antivirus ku jirin kombutarkaaga qatar wayn ayuu ku jiraa. Waxaa sidoo kale muhiim ah in antiviruskaaga uu yahay kii ugu dambeeyay oo markasta oo nuuc cusub soo boxo uu is cusbooneysiiso. Antivusyada ka ugu fiican horey ayaan mowduuc uga qornay.

2. Hubi in Windows Update uu shaqeynayo.

barnaamijka windows waxa uu leeyahay qeyb ka mid ah oo markasta la socota nuuca ugu dambeeya ee Windows asagoo si otomatic ah isugu shuba haddii aadan xirin. Si aad u xaqiijiso in Windows Update uu furan yahay booqo Control Panel ka dibna riix Windows Update. Waa muhiim in Windows Update uu On yahay haddii kale virusyo badan ayaa qatar ugu jirtaa.

3. Isticmaal Firewall

Qeybta loo yaqaan Firewall ee sidoo kale la socota Windows aad ayay muhiim u tahay, Hubi in Firewallka uu On yahay. Kombutarada aan Firewallka lahayn waxay qatar ugu jiraan in la afduubto oo loo isticmaalo weerarada Internetka.

4. Iska ilaali websiteyada aad booqato.

Websiteyo badan ayaa virus ku jiraa oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaalida iska ilaali websiteka aad booqato, barnaamijka aad isticmaasho ee Browser loo yaqaan waa in uu ahaadaa mid la socon kara xaalada websiteka aad booqaneyso. Waxaan ku taliney mowduuceenii hore in aad isticmaasho Google Chrome ama isticmaalFirefox.

5. E-mailkaaga il gaara u yeelo

Emailku waa kan ugu badan ee ay ku faafaan virusyada, iska ilaali in aad furto faylasha la socda fariimaha aad hesho qaasatan kuwa ka socda dadka aadan aqoon ama fariin aadan fileyn. Qaasatan waligaa ha furin fayl nuuciisa yaay .exe.

6. MSN taxadar u yeelo

Barnaamijka caanka ah ee MSN waxa uu ka mid yahay kuwa ay virusyada ku faafaan. Iska ilaali faylasha ay asxaabtaada kuu so diraan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in kombutarkooda uu virus ku dhacay oo si otomatik ah uu fariimaha u dirayo.

7. Iska ilaali sheekooyinka beenta ah ee internetka

Qodobka ugu dambeeya ayaa ah iska ilaali fariimaha ay soo direen dadka loo yaqaan Scammers ee ah tuugada internetka ayagoo mararka qaar kuu sheegaya sheekooyin been ah sida in aad ku guuleysatay maalaayiin dollar ama in ayeydood ay dhimatay. marna dhag jalaq ha u siin sheekooyinkaas.

Waxay doonayaan in ay lacag kaa helaan ama ay isticmaalaan warbixintaada si ay dad kale u qayaanaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here