“Muslimiinta Sweden inta badan kama fogaadaan xagjirnimada iyo argagixisada”

12

Sidaa waxaa yiri Abshir Osman oo ah nin Soomaali ah kana tirsan xisbiga Moderaterna (M) ee magaalada Eskilstuna. Abshir Osman ayaa telefishinka SVT u sheegay in uu ku noolyahay cabsi joogto ah oo ay hanjabaad ku hayaan dadka taageersan ururka argagixisada ah ee ISIS.

Waxa uu sheegay in magaalada Eskilstuna ay ku noolyihiin dad taageersan ururkaas oo ay adagtahay in aad wax ka sheegto argagixisada. Isagoo intaasi ku daray ka dib markii uu cambaareeyay ISIS in noloshiisa ay cabsi gashay oo uusan xitaa booqan xaafadaha qaarkood.

Inkastoo laga yaabo in ay jiraan dad tiro yar oo taageersan ururkaas, oo aan la aqbali karin in ay caburiyaan dadka xorta ah ee ku nool Sweden, ayaa hadana Abshir Osman waxa uu ka dhawaajiyay in aysan jirin Muslimiin badan oo si cad u cambaareeya ururka ISIS. Hadalkaas ayaa ah mid runta ka fog, iyadoo aan wada ognahay in Muslimiinta ku nool Sweden ay si cad uga soo horjeedaan ururkaas iyo ficiladiisa. Hadaba waa maxay sababta ninkaan uu si caam ah uga hadlayo Muslimiinta?

Sanadihii dambe  waxaa soo batay in dadka soo galootiga ah ee ka tirsan xisbiyada Sweden qaasatan Moderaterna (M) ay bilaabeen in ay ku halaan hadalo la yaab leh, si ay ugu soo caan baxaan saxaafada Sweden isla markaana looga jeclaado xisbigooda. Qaasatan Soomaalida ka tirsan xisbiga Moderaterna oo sanadihii dambe noqday mid xagjir ah kuna dhow cunsuriyad ayaa bilaabay in ay ku hadlaan hadalo ka soo horjeeda Muslimiinta, iyagoo ku soo gambanaya cambaareynta argagixisada.

In laga soo horjeesto argagixisada waa waajib wada saaran Muslimiinta, in dhalinyarada Soomaalida iyo Muslimiinta laga wacyi galiyo qataraha xagjirnimada iyo in aysan u safrin dagaalada Bariga Dhexe waa mid noo wada taala balse in saxaafada Sweden sambaatiyo looga diyaarsado aflagaada iyo afxumada Muslimiinta ayaa ah calaamadaha caado-qaatayaasha, taasoo u muuqata in Soomaalida ka tirsan xisbiga Modaretarna (M) ay wada noqdeen. Oo haddi ay damiir leeyihiin mar hore ayay isaga bixi lahaayeen xisbigaas oo hada noqday SD labaad.

Maku raacsantahay hadalka ninkaan? Mise waxaad isleedahay waa mid uu ku doonayo in uu ku soo caanbaxo? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here