Haddii ay UK ka baxdo Midowga Yurub saameyn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa Soomaalida Sweden?

9

Shacabka UK ayaa isbuucaan u codeynaya in ay isaga baxaan Midowga Yurub iyo in kale, iyadoo afti-urintii u dambeysay ay muujinayso in laga yaabo in UK ay baxdo. Haddii taasi ay dhacdo ayay saameyn weyn ku yeelanaysa nidaamka isku socodka xorta ah ee u dhexeeya wadamdaa Yurub, iyadoo qaasatab ay ay adkaan doonto in dadka ka imaanaya wadamada kale ee Yurub sida Sweden in ay galaan UK.

Soomaali badan ayaa u guurtay UK marka ay baasaboorka Sweden qaataan, iyagoo qaar kale ay ku fikirayaan arintaas balse haddii UK ay ka baxdo EU-da ayay arintaasi aad u adkaan doontaa. Sidoo kale waxaa adkaan doona in xitaa booqasho lagu tago UK maadaama ay meesha ka baxayso xuquuqda isku socodka xorta ah ee shacabka Yurub.

Ma ahan dadka Yurub ku nool oo keliya kuwa dhibaatooyinka la soo darsi-doonaan balse dadka reer UK ayaa la filayaa in ay iyagana soo wajahaan dhibaatooyin badan oo xaga socdaalka, dhaqaalaha iyo siyaasada ah. Reer UK ayaa u baahan doona in ay Visa ku salaan 27-ka wadan ee ku haray Midowga Yurub haddii ay ka baxaan. Waxaa sidoo kale meesha ka bixi doonta xuquuqda suuqa xorta ah ee hadda ay shirkadaha UK ay ula ganacsan karaan wadamada kale ee Yurub.

Hadaba su’aashu waxay tahay yaa qasaarada ugu weyn ku qaba in UK ay ka baxdo Yurub? ma EU mise UK? Quburada siyaasda inta badan ayaa aaminsan in labada dhinac ay qasaare soo gaari doonto balse UK ay qasaarada ugu badan soo gaari doonto. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in wadamo kale ay ku daydaan UK, iyadoo Sweden xitaa la soo carab-qaaday in laga yaabo in ay EU-da ka baxdo haddii ingiriisku sidaa sameeyo.

Sidee u aragtaa in UK ay isaga baxdo Yurub?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here