Dhaqalaaha Yurub oo buur ka sii dhacaya, Sweden iyo Soomaalida ku nool oo uu saameynayo

4

Saakay waxaa qasaare weyn ku soo jarmaaday dhamaad suuqyada lagu kala iibsiga sheerarka ee aduunka, qaasatan suuqa Stockholm Exchange, kaasoo ay shirkado badan qasaare weyn la soo daristay. Arintaan ayaa la xiriirta go’aankii ay UK uga baxayaan Midowga Yurub, iyadoo Bankiyada Sweden sida Nordea, SEB, Swedbank iyo shirkado kale ay si weyn u qasaareen.

Waxaa sidoo kale arintaani ay keentay in uu kor u kaco qiimaha lagu kala iibsato karoonka iyo dollar, iyadoo hadda halkii 1 dollar uu marayo ka badan 9,00 kr. Kor u kacaan ayaa qaali ka dhigaya in la iibsato doolarka, isagoo qaasatan saameynaya dadka Soomaalida ah ee dollarka u diraya Somalia. Haddii ay arintaani sii socoto ayay qaali noqon doontaa in biilka la oo diro Somalia.

Balse arinta welwelka leh ayaa ah haddii ay sii socoto qasaarada suuqyad aduunka iyo qaasatan Bankiyada Sweden oo horay loogu tilmaamay kuwo xasilan, taasoo saameyn guud ku yeelanaysa dhaqaalaha wadanka, mushaarada iyo guud ahaan nolosha wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here