Dacwadii Soomaalida ee Amineh Kakabaveh oo dib loo furay, maxaa isbadalay?

5

Dhawaan waxaan soo qornay in boolisku Sweden ay muujiyeen qiimo la’aanta Soomaalida ka dib markii ay si degdeg ah ku xireen dacwadii ay gudbiyeen Soomaalida ee ka dhanka ahayd xildhibaanada xisbiga Vänsterpartiet ee lagu magacaabo Amineh Kakabaveh ee filim dacaayad ah ka faafisay Soomaalida.

Hadaba hadda ayaa dambi-oogaha maxkamada Malmö ay go’aan ku gaadhay in ay dib u furto dacwada. Charlotte Ottosen oo ah dambi oogaha ayaa sheegtay in ay qalad ahayd in dacwadaan degdeg loo xiro isla markaana ay muhiim tahay in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo arintaan.

“Waxaan u arkaa in dacwada degdeg loo xiray, waxay ahayd in aan samayno baaritaan dheeraad ah” ayay tiri Charlotte Ottosen.

Booliska ayaa ku dooday markii ay xireen dacwada in la waayay muuqaalkii ay haweenaydaan faafisay. Balse markii loo soo bandhigay koobiyo ka tirsan muuqaalkii, ayay hadana ku doodeen in aysan cadeyn in haweeneydaan ay doonaysay in ay dacaayadeyso Soomaalida.

Soomaalida ayaa 5 dacwadood ka gudbisay xildhaanad Amineh Kakabaveh iyo warqad ay saxiixeen 350 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here