Cunsuriyiin fara badan oo weeraray masaajidka Stockholm

6

Muslimiinta ku nool Stockholm ayaa cabsi weyn la soo daristay habeenkii isniinta ka dib markii 50 cunsuriyiin soo xiratay dhar madoow ay weerar ku qaadeen masaajidka weyn ee Stockholm ee ku yaala Medborgarplatsen. Saacadu markay ahayd 22:43 xiligaas oo Muslimiintu ay isku diyaarinayeen salaada cishaha ayaa 50 cunsuriyiin ah ay soo weerareen dadkii ku sugnaa dibada masaajidka.

Waxay masaajidka ku tuureen waxyaabo, iyagoo dadka qaar gacanta ula tagay isla markaana telefoonada ka qaatay. Dadkii Muslimiint ahaa ayaa goobta ka kala cararay. Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan ay tahay mid naceyb ka dhan Muslimiinta ku dhisan. Iyagoo sheegay in laga yaabo dadka weerarka geystay in ay yihiin taageerayaasha kubadda cagta.

Ilaa hadda boolisku cidna ma soo xirin, iyagoo baaritaan ku sameynaya kaamirooyinka ku xiran masaajidka si loo aqoonsado dadka weerarka soo qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraray masaajidkaan iyo masaajida kale ee ku yaala daafaha Sweden. Iyadoo horay masaajidka albaabada laga soo galo lagu sawiray calaamada naaziyiinta Hitler.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here