Xulka Qaranka Sweden oo ku so fashilmay ciyaaraha Euro iyo Zlatan oo isaga baxay

2

Xulka Qaranka Sweden oo uu hogaanka u hayo kaptabka Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn ugu soo fashilmay ciyaaraha Euro ee ka socda wadanka France. Sweden ayaa caawa si toos ah uga baxday tartanka ka dib markii xulka Belgium ay uga badiyeen 1-0. Sweden ayaa guud ahaan sadexdii kulan ee ay ciyaareen waxay dhaliyeen 1 gool oo keliya oo barbar dhac ay la galeen xulka Ireland.

Labada kulan oo kale ayaa laga badiyay oo ay garaaceen Italy iyo Belgium oo hadda u gudbay wareega labaad.

Sweden ayay ka muuqatay tayo xumada kooxda qaranka, iyadoo marka laga reebo Zlatan aysan jirin cid kale oo lagu tashan karo in ay gool u dhaliso kooxda. Zlatan ayaa isbuucaan ku dhawaaqday in uu isaga fariisanayo u ciyaarida Sweden, iyadoo caawa ay ahayd ciyaartii ugu dambeysay ee uu ciyaaray.

Zlatan ayaa intii uu ka tirsanaa xulka Sweden noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Sweden, iyadoo ay adkaan doonto in la helo cid buuxiso booska uu ka baxay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here