Yasin Mahi oo doonaya in uu dimoqraadiyada Sweden gaarsiiyo Somalia

8

Yassin Mahi  oo ka mid ah Soomaalida mudada dheer ku noolaa Sweden, ayaa markii labaad u sharaxan doorashada madaxweynaha Somalia. Isagoo doorashadii hore isaga laabtay ka dib markii uu ka cabsaday musuqmaasuqa ka socda doorashada. Xiligaan ayaa u sheegay in uu markale tijaabin doono, isagoo u waramay wargeyska Katrineholms-Kuriren.

Mahi ayaa sheegay in uu doonayo in uu Sweden ka qaato nidaamka dowladnimada iyo dimoqraadiyada oo uu gaarsiiyo Somalia.

“Waxaan wax badan ka baranay dimoqraadiyada Sweden oo aan qaadan doono. Nidaamka halkaan ka jira Ayaan wadankeena u doonaynaa” ayuu wargeyska u sheegay Mahi.

Yasin Mahi ayaa 20-sano ka tirsanaa xisbiga Socialdemokraterna (S) ee magaalada Katrineholm, isagoo hadda doonaya in casharkii uu ka bartay siyaasda Sweden uu gaarsiiyo Somalia.  Yasin ayaa wargeyska uga waramay sida uusan ugu qanacsanayn nidaamka doorashadu u dhacayso ee ku salaysan doorashada qabiilka, isagoo sheegay in uu doonayo in qofkasta oo Somalia ku nool uu codkiisa dhiibto.

Maku raacsantahay Yasin Mahi in Somalia ay u baahantahay nidaamka iyo dimoqraadiyada Sweden? Ku darso fikradaada….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here