Talooyin ku aadan ka faa’ideysiga Ramadaanka

11

Yaa Muslimiin, Ramadaan waxaa ka dhiman dhowr maalmood oo keliya. Waa maxay qorshahaaga ku aadan ka faa’ideysigiisa? Haddii aad qorshe dajisay waxaan ku leeyahay hambalyo. Haddii aadan qorshe degsan waxaan halkaan kuugu soo bandhigayaa dhowr qodob oo aan rajeynayo in ay ku anfici doonaan. Waxaan idin xasuusinayaa anigu khabiir kuma ihi arimaha diinta balse macluumaadkaan waxaan ka soo minguuriyay ilo kale.

1. Dhexdhexaad ka dhig cuntadaada – Arintaani waa mid na wada qabsatay, markii afurka la soo dhigo ayaa qofkasba bilaabaa qorshihii uu caloosha ku buuxin lahaa ilaa aad kici waydo. Ramadaanka waxaa loogu tala galay in qofku ku barto is xakameynta. Sidaa darteed waa in aad cuntada iska xakameysaa oo aadan ku talaxtagin. Xasuusnoow in ay jiraan dad aan afurka awoodin.

2. Ha iloobin sadaqada – Muslimiinta waxaa xili kasta laga doonayaa in ay bixiyaan sadaqada balse ramadaanka waxaa la doonayaa in kor loo qaado, oo deeqsinamadu ay ka midnoqoto dabeecadaha cusub ee Ramadaanka.

3. Xafid suurado ka mid ah Quraanka – Xiliga lagu jiro Ramadaanka ayaa ugu fiican in aad xafido Quraanka. Madaxu waa deganyahay Ramadaanka. waxaad qorshaha ku darsataa in aad barato macnaha oo aad xafido dhowr suuradood ama ka badan inta lagu jiro Ramadaanka.

4. Raadi taraawiixda – Inkastoo aan ku noolnahay wadan ay masaajidu ku yaryihiin, hadana waxaad wada ogtihiin fadliga salaada jameecada. Haddii aad ku nooshahay goob ay dad kale oo Muslimiin ah ku nool yihiin oo ay jidho goob  masjid ah,  ku dadaal in aad taraawiixda jameecada ku tukato. Intii awoodaada ah.

5. Hoos u dhig il-qabatadaada – Waxaa lagu jiraa xiligii xagaaga oo wadankaan dumarku ay xiranjireen dharka kuwa ugu qafiifsan. Waxaa taas sii dheer Ramadaankii oo ku soo aaday xiligaan. Hadaba ragoow maxaa talo ah? Inkastoo ninka Muslimka ah laga doonayo in uu xili kasta ishiisa hoos u dhigo, ayaa hadana Ramadaanka la doonayaa in uu kuu noqdo tababarka nolosha. Waa xiligii aad baran lahayd oo aad xakameyn lahayd naftaada. Hoos u dhig il-qabataada!

6. La xiriir qaraabada – Markii qurbaha la yimid waxaa laga mashquulay dad badan oo horay asxaab iyo qaraabo loo ahaa, waxaa dhici karta in aynan ismaqal mudo. Hadaba ramadaanku waa fursadii aad dadkaasi kula xiriiri lahayd. Xiriiri qaraabada iyo asxaabtaadii hore. Intaad kaarka buuxiso ku dhamee in aad wacdo qofkasta oo aad xasuusato. Ugu bishaaree bilashada Ramadaanka.

7. Iska yaree telefishinka/internetka – Ramadaanka waxaa muhiimada iska leh cibaada alle, internetka inkastoo macluumaad badan laga heli karo waxaa dad badan u isticmaalaan in ay waqtiga ku dhameeyaan. Iska ilaali fidnada Facebook. Telefishinka laftiisu faa’iido badan ma leh. Hadaba waxaad qorshaha ku darsataa in xiliga ramadaanka aad iska yareyso labada aalood. Waxaad xoogaa saartaa barashada iyo akhrinta Quraanka.

8. Iska cafi cidii wax ku yeeshay – Waxkasta oo lagugu sameeyay Ramadaanku waa xiliga cafiska iyo nadiifinta qalbiga. Iska iloow waxyaabihii yaryaraa iyo kuwii waaweynaa ee lagugu sameeyay. U fidi cafis cidkasta oo aad wax ka tabaneyso.

W/B/T

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here