Sweden, Norway iyo Denmark oo loogu baaqay in ay hal wadan noqdaan

5

Ka waran haddii Sweden, Norway iyo Denmark ay midoobaan oo ay hal wadan noqdaan? Fikradaas waxaa soo jeediyay ninka taajirka ah ee lagu Petter Stordalen oo u dhashay Norway. Ninkaan oo ah mid shirkado badan ku leh sadexda wadan ayaa ku baaqay in ay sadexdaan wadan ay midoobaan maadaama ay wadaagaan dhaqan iyo luuqado isku dhow.

“Waxaan noqon lahayn wadan aad u wanaagsan oo xoog leh” ayuu yiri Stordalen isaga oo ka hadlaya riyadiisa ku aadan in sadexdaan wadan ay noqdaan hal mid. Taasoo shacabkooda ka dhigaysa ku dhawaad 20 milyan. Waxa uu sheegay in sadexdaan wadan ay wadaagaan taariikh dheer.

Fikradaan ayaa ah mid aysan sidaa u soo dhaweyneyn siyaasiyiinta sadexda wadan balse hadaba waxaa wadamadaan ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan iyo wada-shaqayn joogto ah.

Sidee u aragtaa fikrada in la abuuro hal wadan oo ay ku midoobaan Sweden, Norway iyo Denmark?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here