Ninkaan sababta Sweden looga musaafuriyay waa mid aan caqliga galayn

10

Ninka lagu magacaabo Syed Latif ayaa shalay laga musaafuriyay Sweden ka dib markii loo diiday sharciga deganaansha shaqada, balse sababta ninkaan loo musaafuriyay ayaa ah mid cajiib ah oo dad badan ka careysiisay. Syed Latif oo ka soo jeeda Bangladesh ayaa Sweden ku soo galay arday ahaan isagoo iska bixiyay qarashkii jaamacada isla markaana dhowr mashruuc ka abuuray wadanka mudadii 6-da sano ahayd ee uu Sweden ku noolaa.

Syed Latif ayaa markii uu dhamaystay waxbarashada helay shaqo lagu xayeysiiyay bogga LinkedIn oo ah goob ay shirkado badan ku xayeysiiyaan shaqooyinkooda caalamka oo dhan. Balse 20 bilood ka dib ayuu Syed diidmo ka helay Migrationsverket oo sheegay in shaqada uu helay aan lagu faafin bogga Arbetsförmedlingen, maadaama sharci ahaan ay tahay in shaqooyinka banaan marka hore loo bandhigo dadka ku nool Qaarada Yurub, oo haddii la waayo cid ku haboon markaasi la siin karo qof kale oo ka soo jeeda dibada Yurub.

Syed ayaa sheegay in uu arintaas aad uga argagaxay isla markaana uu fahmi waayay, maadaama bogga LinkedIn uu yahay mid ka mid ah goobaha ugu waaweyn  caalamka ee shaqooyinka lagu faafiyo. Waxa uu racfaan u diray maxkamada Socdaalka iyo xitaa maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen)  taasoo diiday racfaankiisa.

Arintaan ayaa ah cadaalad daro weyn oo lagu sameeyay ninkaan oo Sweden muddo badan ku noolaa, luuqada bartay, shaqo helay isla markaana la qabsaday wadanka, iyadoo sababta loo musaafuriyay ay tahay mid micno daro ah oo muujinaysa qaab-darada sharciyada qaarkood.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here