Jaamacada Helsinki oo bixinaysa koorso luuqada Af-soomaaliga ah

8

Jaamacada Helsinki University ayaa noqonaysa jaamacadii ugu horeysay ee cariga Iskaandineeviya ee bixinaysa koorso jaamcadeed luuqada Af-soomaaliga ah. Jaamacada ayaa bixinaysa Bachelors Degree oo Af-Soomaali ah, iyadoo qorshaha mustaqbalka xitaa lagu soo dari doono heerka Masters Degree.

Waxbarashada ayaa la qorsheynayaa in ay bilaabato deyrta sanadka 2017, iyadoo sanadkaan ay bilaabanayso koorso jaacameed 15-dhibcood ah oo luuqada Af-Soomaaliga. Tirada ardada la qaadan doono ayaan wali la go’aamin balse qiyaasta ayaa ah 6-8 arday. Sababta ay jaamacada Helsinki u bilaabayso waxbarashada Af-Soomaaliga ayaa ka dambaysa tirada Soomaalida Finland oo lagu sheegay mid badan.

“Waxbarashadu ma noqonayso luuqada oo keliya balse waxaa sidoo kale la baran doonaa dhaqanka Soomaalida” ayuu yiri Arto Mustajoki oo ah diinka kuliyada Arts-ka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here