Dowlada Sweden oo degdeg sharciga wax uga badalaysa si loo xaqiijiyo in albaabada laga xiro qaxootiga la filayo xagaaga

6

Labo bilood ka hor waxaan shaacinay in taariikhda u dhaxaysa 4-17 July dib loo furi doono xuduudaha Sweden oo aan dadka la weydiin doonin aqoonsi, taasoo loo arkay fursad ay dad badan oo qaxooti aan aqoonsi wadan ku soo gali karaan Sweden. Arintaas ayaa ka dambeysay maadaama uu dhacayo sharciga Waydiinta Aqoonsiga ee hadda jira bisha July 3 isla markaana ay waajibtahay in dowladu ay sugto 2 isbuuc inta aysan sharci cusboonaysiin.

Balse sida muuqata dowlada Sweden ayaa doonaysa in waddo kasta oo qaxooti cusub ku soo gali karaan Sweden in albaabada loo laabo, taasoo hadda bilowday in ay sharci cusub oo degdeg ah baarlamaanka horgeeyaan inta aan la gaarin bisha July si loo xaqiijiyo in marka uu dhaco sharciga hadda jira in durbadiiba la cusboonaysiiyo oo aysan qaxootigu helin wax fursad ah oo ay ku soo galaan Sweden.

Inkastoo dowlada Sweden ay isku tilmaamto mid soo dhaweeya qaxootiga, ayaa haddana ficilada ay ku keceen bilihii la soo dhaafay ay yihiin kuwo guud ahaan ka soo horjeeda hadalkooda. Oo ay xaqiijinayaan in qaxooti cusub aysan wadanka soo gain.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here