Amineh Kakabaveh oo wali suuqa ku jidha Soomaalidana ku eedaysay labo wajiilenimo

13

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanadii dayaacada ka faafisay Soomaalida ayaa isbuucii hore waxay heshiis xisbiga Vänsterpateriet (V) kula gashay in aysan ka hadlin arimaha siyaasada oo ay waqti kooban ka fariisato balse haweeneydaan ayaa u muuqata mid madax adag, iyadoo shalay dayaacad kale oo Soomaalida ay ku jeesjeesay ku soo qortay boggeeda Facebook, ka dibna saartay muddo gaaban.

Waxay si jees jees ah ugu mahad celisay dadkii xisbigeeda ka tirsanaa ee ka qeyb galay mudaharaadkii ay Soomaalidu ka dhigeen Örebro. Iyadoo isweydiisay sababta aysan Soomaalida ugu mudaharaadin marka caruurta lagu qasbo guurka, shareecada Islaamka iwm. Waxay isku tilmaamtay mid iyada lagu hayo weerar isir naceyb ah, iyadoo sheegtay in ay sii wadayso dagaalka ay kula jidho waxa ay ugu yeerto Islaamka asaliga ah iyo xagjirnimada.

Haweeneydaan ayaa sidoo kale waxay cadiifad ka dhex abuurtay qowmiyada Kurdida iyo Soomaalida, iyadoo isbuucii hore ay dhowr qof oo ka tirsan qowmiyada Kurdida ay aflagaado ka dhan ah Soomaalida ku soo qoreen Facebook, halka qaar kale ay saxaafada soo mariyeen in Soomaalidu ay taageersanyihiin dowlada Turkiga oo sidaa darteed ay u necebyihiin kurdiyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here