Swedishka dhaladka ah oo cunsuriyad darteed isaga qaxay xaafadaha soo galootiga

6

Wargeyska Expressen ayaa warbixin dheer ka diyaariyay cunsuriyada lagu hayo dadka dhaladka Swedishka ah. Inta badan cunsuriyada marka laga hadlayo waxaa xooga la saaraa dadka soo galootiga ah ee ay cunsuriyeeyeen Swedishka balse sheego kasta labo dhinac ayay leedahay, iyadoo wargeysku uu soo bandhigay in ay jidho cunsuriyad weyn oo dadka soo galootiga ah ay ku sameeyeen kuwa Swedishka ah.

Wargeyska ayaa tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah dadka ku nool xaafada Seved ee magaalada Malmö, halkaasi oo Swedishkii deganaa ay isaga qexeeen  maadaama ay u adkaysan waayeen cunsuriyada iyo naceybka joogtada ah ee lagu sameeyo. Dhibaatooyinkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan dhalinyaro careysan oo soo galooti ah, kuwaasoo erayo aflagaado ah iyo gacan ka hadal intaba ku sameeya dadka Swedishka ah.

Qaar ka mid ah dadka Swedishka ah ee la wareystay ee wali ku nool xaafadaha soo galootiga, ayaa sheegay in ay si joogto ah ula kulmaan naceyb ka dhan Swedishka, isla markaana xitaa qaarkood ay bilaabeen in ay iska dhigaan soo galooti si aan loogu malayn in ay Swedish yihiin.

Ficilada ay ku kacayaan dhalinyarada soo galootiga ah, ayaa lagu micneeyay mid ku dhisan carro ay ka qaadeen dowlada Sweden iyo xaaladooda guud ee shaqo la’aanta iyo in aysan haysan fursadaha ay haystaan dadka Swedishka ah.

Xaafadaha soo galootigu u badanyihiin ee sida Rinkeby Stockholm, Angered Göteborg iyo Seved Malmö ayaa ah kuwo Swedishkii deganaa ay isaga guureen taasoo ay soo galooti badani cabasho ka muujiyeen balse marka aad akhrisato mowduuca ay Expressen ka qoreen arintaan ayaa la fahmi karaa sababta ay dadkaasi isaga guureen maadaama lagu sameeyay naceyb aan loo adkaysan karin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here