Dagaal ka socda Facebook iyo codka Soomaalida Sweden oo lagu hirdamayo, yaa isku haysta?

16

Maalmahaan intii lagu mashquulsanaa caradii laga qaaday dayaacadii ay Xildhaanad ka tirsan Vänstarpartiet (V) ka samaysay Soomaalida, waxaa dhinac socotay foodo iyo dagaal qarsoon oo inta badan ka socda Facebook. Arintaan ayaa salka ku haysa goobo lagu sheekayso (Facebook Group) oo ay dhalinyaro Soomaali ah abuureen sanadkii hore.

Goobtaas oo lagu magacaabo Codka Soomaalida (Somaliska Röster) ayaa waxaa ujeedadii loo abuuray ay ahayd in ay noqoto goob Facebook ah oo dhalinyarada Soomaalidu ay isku abaabulaan oo wixii quseeya arimaha Soomaalida ay uga doodaan isla markaana ay sameeyaan abaabul haddii loo baahdo. Isla markii la aasaasay goobtaas ayaa waxaa durbadiiba shaki ka qaaday maamulka  ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet i Sverige (SRFS) kuwaasoo dareemay in dhalinyaradaan ay bilaabeen mashruuc bariiska ka ciideyn kara, maadaama ay iyagu ku fashilmeen shaqadii looga baahnaa ee ahayd abaabulanka Soomaalida iyo u doodista danaha Soomaalida.

Ka dib ayaa waxaa suuqo la galiyay in Somaliska Röster loo abuuray in lagu faafiyo danaha Somaliland oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad xiriir la leh maamulka Somaliland. Inkastoo aanan xaqiijin karin arimahaas ayay hadana jiraan shaqsiyaad ka tirsan dadkii aasaasay mashruuca oo ka soo jeeda Waqooyiga Somalia. Balse su’aashu waxay tahay ma waxaa la eegayaa halka qofku uu ka soo jeedo mise wax-qabadkiisa?

Way jiraan qaladaad ay sameeyeen dadkii abuuray Somaliska Röster oo ay ka mid yihiin in luuqada Swedishka xooga la saaray iyo in ay bilaabeen in ay caburiyaan codka dadka qaarkood, iyagoo aan ogoleyn in wax lagu qoro goobta ilaa in maamulku soo ogolaado mooyee. Arintaas ayaa la dhihi karaa waa mid ka soo horjeedo ujeedadii loo aasaasay barnaamijka, in qofkasta oo Soomaali ah uu si xor ah codkiisa u soo gudbiyo, haddii meeshu tahay goob arimaha Soomaalida looga sheekaysanayo ayay aad u muhiim u tahay. Anigu qaasatan waxaan iska dhaafay in aan halkaasi wax ku daabaco markii ay bilaabatay in afka-lays qabto, balse in suuqa la galiyo sheekooyin been abuur ah ama la abuuro goobo kale oo la tarmaya midii hore u jidhay ayaa nasiib daro ah.

Taasoo ay hadda sameeyeen xubno ka tirsan ururka Isbahaysiga. Intii maalmahaan lagu guda-jiray abaabulka iyo jawaab bixinta dayaacadii laga faafiysay Soomaalida, ayaa waxaa Facebook laga furay goob kale oo loogu magac-daray Codka Soomaalida ee Mideysan (Enade Somaliska Röster) oo si toos ah ula tartamaysa goobtii horey u jidhay oo xitaa lagu dhaleeceeyay midii hore, iyaga oo ku doodaya in aysan dadku helin xoriyada codka balse waxaa ila qosol ah in xitaa goobta cusub laga bilaabay in dadka afka-la-qabto oo aan horay laga soo daabicin waxyaabaha ay dadku qoraan. Goobtaan cusubi ayaa abuurtay cadiifad, cadaawad iyo foodo aan loo baahnayn xiligan oo ay muhiim tahay in codka Soomaalidu uu mideysan yahay.

Foodada ka socota Facebook ee lagu kala qeybinayo Soomaalida Sweden ayaa waxaa masuul ka ah ururka Somaliska Riksförbund oo halkii ay ka mideyn lahaayeen Soomaalida u soo jeestay in ay dadka u kala qeybiyaan waqooyi iyo koonfur isla markaana diyaar u ah in ay sameeyaan ficil kasta si ay u difaacaan mashruucyada magac-u-yaalka ah ee ay dowlada Sweden dhaqaalaha, iyaga oo ku adeeganaya magaca Soomaalida Sweden.

Anigu koox hore iyo koox dambe, waqooyi iyo koonfur midna ma taageersani balse waxaan aaminsanahay in aan dadka ku taageerno wax-qabadka oo keliya. Cidii bilowda in ay Soomaalida foodo ka dhex-abuuraan, iyaga oo ku qaraabanaya magaca Soomaalidana waa in aan ka soo wada-horjeesanaa. Cidii dhaliil mudan waa in la dhaliilaa, cidii amaan mudan oo shaqo wanaagsan qabatana waa in la taageeraa!!!

Sidee kula tahay adiga…ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here