Daawo Sawirada: Soomaalida oo si qiiro leh u soo dibadbaxday iyo saxaafada Sweden oo si weyn wax uga qortay

8

Sidii balantu ahayd maanta waxaa magaalada Örebro ka dhacay banaanbax ay ka soo qeyb galeen Soomaali badan oo ka careysan xildhinaanad ka tirsan xisbiga Bidixda Vänsterpartiet (V) oo dacaayad Soomaalida ka dhan ah ku faafisay Facebook. Magalaaada Örebro ayaa sidoo kale maanta waxaa ka socday kulanka sanadlaha ah ee xisbiga Vänsterpartiet.

Banaanbaxa ayay Soomaalidu si fiican uga soo qeyb galeen iyagoo fariintooda cod iyo qoraal ba ku muujiyay. Waxay sidoo kale la hadleen saxaafada Sweden sida SVT, Dagens Nyheter, SvD iyo dhamaan warbaahintii goobta timid. Arintaasi ayaa aad u muhiim ugu ah faafinta dalabka Soomaalida ee ahaa in haweenayda xildhinaanada ah ee lagu magacaabo Amineh Kakabaveh laga ceyriyo xisbiga isla markaana aysan Soomaalidu aqbali doonin raali-galin iyo waqti gooban oo siyaasada ay ka fariisato.

In dalabkaasi ay aqbali doonaan V iyo in kale ayaan cadeyn, iyadoo shalay mid ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Örebro ay la kulmeen gudoomiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt kaasoo u muuqday in uu ku qancay raali galinta ay bixisay haweeneydaan.

DAAWO SAWIRADA BANAAN BAXA KA DHACAY ÖREBRO

banaanbax-orebro-5 banaanbax-orebro-4 banaanbax-orebro-3 banaanbax-orebro-2 banaanbax-orebro-1

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here