“Haddii aan cadaan ahaan lahaa sidaa la’iguma sameeyeen”

12

Sidaa waxaa yiri Yasri Khan oo ah nin Muslim ah oo dhawaan lagu furay fadeexad abaabulan oo ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Miljöpartiet (MP) iyo saxaafada Sweden. Yasri ayaa lagu eedeeyay in uu yahay nin Muslim xagjir ah ka dib markii uu diiday in uu gacanta ku salaamo gabadh wariye ah oo ka shaqaysa telefishinka TV4.

Yasri Khan oo ka soo jeeda Malaysia/Thailand ayaa ah nin Muslim ah oo ku adkaystay in diintiisa darteed uusan dumarka gacanta ku salaamin balse uu yahay nin xushmad weyn u haya dumarka isla markaana u dooda arimaha dimoqraadiyada iyo cadaalada. Waxa uu isweydiiyay haddii salaanta gacanta laga dhigayo mid waajib ah , maxaa kale oo dadka lagu qasbi doona? Ma in ay qamriga cabaan? ma in hilibka doofarka ay cunaan iwm?

Waxa uu sheegay in uusan filayn in arinta lagu sameeyay waligiis ay ku dhacayso. Yasri ayaa ah gudoomiyaha urur u dooda xuquuqda Muslimiinta ku nool Sweden oo lagu magacaabo (Svenska Muslimer för Fred och Rättvisa), isagoo si joogto ah loogu casuumi jiray in kuu kulamo la qaato madaxda Sweden.

Markii ay soo baxday in uusan salaamin dumarka ayaa xisbiga Miljöpartiet waxay ka laba labeeyeen in uu ka mid noqdo golaha sare ee xisbiga, balse Yasri ayaa iskiis isku casilay isla markaana isaga baxay guud ahaan xisbiga Miljöpartiet.

Arinta lagu sameeyay Yasri ayaa muujinaysa qilaafka xaga nolosha ah ee u dhexeeya Muslimiinta Sweden iyo Swedishka, oo sanadihii dambe bilaabay in ay toosh ku ifiyaan dhaqamada Muslimiinta isla markaana fadeexad ka dhigaan waxyaabaha caadiga ah ee Muslimiintu ay sameeyaan. Arintaan ayaa bilow u ah in shuruudo cusub lagu xiro Muslimiinta kuwaasoo laga yaabo in ay ka hor-imaanayaan diinta Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here