Xildhibaanad fadeexad gashay ka dib markii ay ka been abuuratay Soomaalida

17

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanad baarlamaanka u matasha xisbiga Hanti Wadaaga (Vänterpartiet) ayaa maalintii Axada ee la soo dhaafay waxay Facebook soo galisay video cunsurinimo ah oo been looga sheegayo soomaalida. Sida runta ah video-gan wuxuu ka hadlayaa shirkada Teleson Hargeisa oo shaqaalaheeda u mahad celinaysa balse kooxda Faashiyiinta cunsuriyiinta ah ee Nordisk Ungdomar ayaa saaray tarjumaad qaldan oo Swedish ah si ay been uga iibiyaanka shacabka Sweden.

Qaladaadka la tarjumay waxaa ka mid ah in qabiil ka tirsan soomaalida ay qorsheynayaan inay u soo guuraan wadankan Sweden iyagoo sidoo kale ku sheegaya wadankan Sweden inuu yahay wadan aan sharci islaam ka jirin oo gaalada been loo shegi karo.

Kakabaveh ayaa markii ay soo galisay Facebook waxay ku dul qortay “ Hambalyo Sweden, Mar dhaw waxaa meelo badan oo xaafada Sweden ka mid ah laga hirgelinayaa Jamhuuriyad islaami ah…” . Daqiiqado yar ka dib markii dad badan oo soomaali ah wax u soo qoreen ayey video-gii ka saartay Facebook, Balse waxay dib u soo qortay qoraal ay leedahay “ Waan tiray video-gii balse uma tirin in waxa ku jiraa ay been yihiin…” Dadkii ayaa mar kale u qoray qoraalo, Hadane dib ayey u tirtay Qoraalkeedii labaad. Subaxdii isniinta ayey Facebook soo galisay wax ula jeeday raali gelin. Waxay ku marmarsiyootay in aysan wada daawan video-ga iyo in hadii qof la dacweynayo ay tahay in la dacweeyo telefeshinka Sweden maadaama calaamadooda ay ku dhex taalo video-ga.

Wariyeyaal badan ayaa la xidhiidhay Kakabaveh si ay arintan wax uga ogaadaan. Markii hore way inkirtay oo waxay dhahday in aysan Facebook soo galinin wax Video ah balse saaxiibteeda ay soo galisay. Balse markii loo sheegay in la haayo cadeymo ayey qiratay iyadoo sheegtay in aad uga xun tahay waxa ay sameysay maadaama bay tidhi aysan wada fiirsan video-ga. jaraa’idka EXPO  ayaa ka qoray maqaal ay ku soo bandhigeen qoraalkii ay facebook ka tirtay.

Soomaali badan ayaa dacwo u gudbisay xisbiga Hanti wadaaga (Vänsterpartiet) Balse xisbiga ayaa jawaabtiisa ku soo gaabiyey in ay wadaan baaritaan xisbiga dhexdiisa ah oo arintan ku saabsan. Kakabaveh ayaa xagaaygii hore ku soo caan baxday in ay wax ka sheegto soomaalida iyo dadka muslimiinta ah ee degan xaafadaha anabiga ku badan yihiin. Iyadoo u dooda in islaamiyiin xagjir ah joogaan xaafadahaas.

Daawo Video original-ka ah

 

iyo midka laga been abuuray hoose.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here