Odayaasha Soomaalida Borlänge oo booliska lagu dacweeyay

10

Isbuucii hore waxaan soo qornay in shirkada Dalatrafik ee magaalada Borlänge ay bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-föreningen), iyagoo iska fasaxay waardiye ay horay lacag ugu siin jireen sugida amaanka basaska, taasoo ka dambeysay ka dib markii ay dhalinyaro Soomaali ah qalalaase ka abuureen basaska.

Hadaba isbuucaan ayaa booliska lagu dacweeyay ururka Odayaasha Soomaalida iyo shirkada Dalatrafik kuwaasoo lagu eedeeyay in ay bilaabeen shaqo waardiye oo aysan fasax u haysan. Dacwada ayaa waxaa ka dambeeya maamulka gobolka (Länsstyrelsen) oo aaminsan in Odayaasha Soomaalida aysan sharci u haysan in ay amaanka sugaan.

Shirkada Dalatrafik ayaa sheegtay in odayaasha ay shaqadooda sii wadanayaan inta ay boolisku baaritaanka wadaan, isla markaana aysan ahayn waaridye balse ay yihiin wehelka dadka baska raacaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here