Mursal Ciise oo loo sheegay in Sweden aysan wadankiia ahayn, baabuurkiina laga burburiyay

6

Mursal Ciise oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo ka mid ah gudoomiyaasha gobolka Dalarna ayaa saakay baabuurkiisa laga burburiyay, isagoo idaacada u sheegay in arintaan ay ka dambeyso cunsuriyad. Mursal ayaa sheegay in ayaantaan weeraro joogto ah lagu haayay isla markaana hanjabaado joogto ah lagu sameeyay.

Mursal ayaa dacwad u gudbiyay booliska. Waxa uu sheegay in ay fariimo badan u soo dheceen kuwaasoo ay ka midyihiin in lagu yiri in uusan wadankaan isagu lahayn isla markaana uu faraha kala baxo arimaha siyaasada. Mursal ayaa ah siyaasiga keliya ee Soomaaliga ah ee ka mid ah golaha sare ee xisbiga Miljöpartiet (MP) isla markaana ah gudoomiye gobolka Dalarna.

Mursal ayaa sidoo kale qeyb weyn ka ahaa aasaaska kooxda kubada barafka ee Somalia Bandy.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here