Mehmet Kaplan oo lagu qasbay in uu is-casilo

6

Wasiirka Guryaha Sweden Mehmet Kaplan oo ah nin Muslim ah ayaa maanta lagu qasbay in uu iska casilo xilkii uu ka yahay dowlada Sweden, ka dib markii isbuucyadii la soo dhaafay ay dabagal ku sameeyeen saxaafada Sweden kuwaasoo abuuray fadeexado been-abuur ah si ay cadaadis u saaraan in uu iscaslio.

Mehmet Kaplan oo ah nin asalkiisa ka soo jeeda Turkey ayaa waxay saxaafada Sweden soo qoreen isbuucii hore in uu ka qeybgalay xaflad casho oo loo sameeyay nin xagjir ah oo ka soo jeeda Turkey. Kaplan ayaa ku dooday in uusan la socon cida ka soo qeybgalaysay xaflada balse uusan ku fikir ahayn ninkaasi.

Shalay ayaa sidoo kale wargeyska SvD waxa uu soo qoray in Kaplan sanadkii 2009 isaga oo ka qeybgalay xaflad ay soo abaabuleen urur Soomaali ah uu halkaasi ka jeediyay hadal uu isku barbar-dhigay dowlada Israel iyo kacdoonkii Naziga ee Germany ka talin jiray. Kaplan ayaa kulankaas ka sheegay in Israel ay hadda ula dhaqanto Falastiiniyiinta sidii Naziyiintu ay ula dhaqmi jireen Yuhuuda.

Hadalkaasi ayaa ka careysiiyay dad badan oo ay ku jidho wasiirka arimaha dibada, taasoo hadda u muuqata in raysal wasaaraha Sweden uu ku raacday dad kale. Saakay ayuu Kaplan isaga iyo Raysal wasaaraha ay war-saxaafadeed qabteen kaasoo uu ku sheegay in uu iscasilay balse waxaa iska cad in lagu qasbay oo uu Stefan Löfven dalbaday in uu iscasilo.

Mehmet Kaplan ayaa ilaa maalintii loo magacaabay xilka waxaa dabagal iyo cadaadis ku haayay dadka Islaamka iyo Muslimiinta neceb maadaama uu yahay nin Muslim ah oo diintiisa ku dhagan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here