Dood kulul oo ka dhalatay salaanta dumarka iyo siyaasi xil ku waayay

6

Isbuucaan waxaa Sweden ka taagnayd dood kulul oo ku saabsan salaanta ragga iyo dumarka ka dib markii siyaasi Muslim ah oo lagu magacaabo Yasir Khan uu diiday in uu gacan qaado gabar wariye ah oo ka shaqaysa TV4. Ka dib dhacdadaas ayaa Yasir Khan waxaa aad u cambaareeyay xubnaha ka tirsan xisbigiisa Miljöpartiet (MP) isagoo ahaa musharax u taagan xubinimada gudiga maamulka ee xisbiga (Partistyrelsen).

Qaar ka mid ah saxaafada iyo xubnaha ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa Yasir Khan ku tilmaamay in uu yahay Muslim xagjir ah oo dumarka neceb, arintaas ayuu aad uga xumaaday isagoo diiday in uu xubin ka noqdo golaha sare ee xisbiga isla markaan guud ahaan isaga baxay Xisbiga Miljöpartiet.

Balse doodu intaasi kuma dhamaan ee qaar badan oo siyaasiyiinta iyo saxaafada ka mid ah ayaa iswaydiinaya in ay haboontahay in qof lagu cambareeyo in uu diiday in uu qof kale gacan qaado. Waxay ku doodayaan in wadankaan uu xor yahay oo dadku qaab kala duwan isku salaamaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dood ay ka dhalato salaanta ragga iyo dumarka, iyadoo dhowr sano ka hor nin Soomaali ah magdhow lacageed la siiyay ka dib markii loo diiday shaqo, isagoo diiday in uu gacan qaado haweeney ka shaqaysa Arbetsförmedlingen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here