Siyaasi Swedish ah oo sheegay in uu masaajid isku qarxin doono

9

Mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga SD oo lagu magacaabo Lennart Karlsson ayaa internet-ka ku qoray in uu bambaano caloosha ku xiran doono oo masaajid isku qarxin doono. Hadalkaasi ayuu ninkaani sheegay isaga oo la hadlayay wargeys ay leeyihiin cunsuriyiinta taageera SD oo lagu magacaabo Exponerat.

Ninkaan oo horay uga mid ahaa ciidamada milatariga Sweden ayaa xitaa sheegay in uu hadda ka hor Muslimiin uu kaniisad ku xiray ka dibna dab qabadsiiyay. Hadalkaasi ayaan la xaqiijin in ay tahay dhacdo dhab ah iyo in kale. Balse asaga ayaa sheegay in arintaasi ay dhacday, hadana markale sheegay in aysan dhicin.

Hadalada ninkaan ayaa ah kuwo qatar ah oo ay muhiimtahay in booliska Sweden ay si fiican baaritaan ugu sameeyaan. Masaajida ku yaala Sweden ayaa weeraro badan lagu qaaday sanadihii dambe, iyadoo qaar badan dab la qabadsiiyay balse haddii ay cunsuriyiintu bilaabaan in ay is-qarxiyaan ayay xaaladu faraha ka baxaysaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here