Wiil Soomaali ah oo lagu dilay xero qaxooti, yaa ka dambeeya dilkiisa?

13

Shalay waxaa xero qaxooti oo ku taala duleedka degmada Lindesberg ee dhow Örebro lagu dilay wiil Soomaali ah oo da’diisa tahay 20-sano, iyadoo wararku ay sheegayaan in qofka dilka geystay uu ka soo jeedo Itoobiya, halka warar kale oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in labada qof ay Soomaali yihiin.

Raggaan ayaa la sheegay in ay isku guri ku noolaayeen, iyadoo middi lagu dilay wiilka Soomaaliga ah. Booliska ayaa soo xiray sadex qof oo ku noolaa guriga uu dilku ka dhacay oo dhamaantood looga shaki-qabo in ay dilka qeyb ka ahaayeen. Raggaan mid ka mid ah ayaa duurka u cararay markii uu dilku dhacay balse saacado ka dib isi soo dhiibay.

Booliska ayaa wali baaritaan ku haya sida wax u dheceen balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ragga uu dagaal dhexmaray. Markii uu dilka dhacay ayaa guriga waxaa ka daarnaa muusik aad u sareeya. Wargeyska Expressen ayaa qoray in qilaafka raggaan uu salka ku xayo xaalada colaadeed ee u dhaxaysa wadamadooda (Somalia iyo Ethiopia).

Waa dilkii sadexaad ee ka dhaca xeryaha qaxootiga, iyadoo bishii Janaayo uu wiil Soomaali ah gabar ku dilay magaalada Möldnal halka nin Afghanistan u dhashay lagu dilay xero ku taala duleedka Söderhamn.

Wixii ku soo kordha dib ayaa ka soo qori doonaa…Haddii aad hayso macluumaad la hubo oo ku saabsan dhacdadaan…fadlan noo soo gudbi!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here